DEG-DEG:-Odayaasha Dhulbahante oo Shaaciyey Dhibaatada ay Somaliland Ku Qadaan Iyo Df oo ay Qeylo…

Wasaaradda gaashaandhiga dowladda federalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ciidan qoris ah oo haatan si xoogan uga socda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Saraakiil ka socda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhiga, ayaa ku guulaystay inay hantiyaan boqolaal askari oo ku dayacnaa goboladaas.

Ciidankaan oo u badnaa maleyshiyaad hubaysan ayaa markii hore ahaa kuwo u diiwaangashan maamulka Somaliland, balse markii dowladda federalku ugu tagtay degaanadooda ayay ku dhawaaqeen inay diyaar u yihiin inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, dowladdana way qortay.

Ciidankaan ayaa hadda kadib si toos ah dowladda federalka uga helidoonaa mushaarkooda, gunooyinka iyo daryeelkooda, waana markii ugu horeysay oo burburkii kadib dowlad Soomaliyeed ay tilaabadaan qaado.

Tilaabadaan ayaa naxdin iyo amakaag waxay ku noqotay maamulka Somaliland oo horey ciidamadaan ku ilaalsan jiray danahooda islamarkaana siin jiray wax aan sidaasi u buurnayn oo dhaqaale ah, walow dhaqaalahaas uusan soo dhaafi jirin saraakiisha ciidankaas.

24-kii saac ee lasoo dhaafay dowladda federalka waxay gobolka Cayn ka heshay ku dhawaad 200 askari iyo saraakiishooda, kuwaas oo sannadkii 2007 Puntland ka goostay kuna biiray maamulka Somaliland, waxaana ciidankaas hoos tagi jireen siyaasi Xaglo Toosiye.

Ciidankaan ayaa soo celintooda waxaa kaalin weyn ka qaatay xildhibaanada Puntland ee kasoo jeeda gobolkaas, kuwaas oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac, kaasoo ubalanqaaday ciidamadaan inaysan mar dambe la kulmidoonin dayac iyo ka warqab la’aan.

Bal hadaba halkaan hoose ka daawo qeylo dhaanta kasoo yeeraysa masuuliyiin maamulka Somaliland uga wakiilka ah degaanada Dhulbahante oo ciidankii lagala wareegay.

 


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS