(War Cusub):- Sargaalka Ka Tirsanaa Khaatumo Oo Garowe ka War Lama Filaan ah Iyo Sababta Puntland u Dagaal ..

Sarkaal katirsanaan jiray Khaatuma oo Garowe ka dhawaaqay sir culus oo ku saabsan sababta Puntland u dagaal uqaadi la’adahay.

Cali Cilmi Warsame Cali Maraykan oo katirsanaan jiray saraakiisha maamulka Khaatuma ayaa si cad u sheegay inay dowladda Puntland diyaar u ahayn inay Soomaaliland ka xorayso gobolka Sool.

Balse  uu jiro qorshe ciidanka Somaliland dib loogu celinayo tuulada Gambara oo Laascaano kasoo sokaysa halkaasi oo markii horaba ay ka soo qaadeen weerarka gaadmada ah oo ay ku qabsadeen Tukraq.

Cali Maraykan ayaa sheegay inay arrintaan niyad iyo filanwaa ku noqonayso ciidanka difaaca Puntland oo diyaar garow xoogan ugu jirta sidii loo qaadi lahaa dagaal xorayn ah,

Waxaana uu sheegay inuu madaxweyne Gaas lukinayo fursad qaali oo aysan helin madaxdii ka horeysayi , taasoo ah inay shacabka umidaysan yihiin xoraynta Sool.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS