(Xog Xasaasi ah);-Ciidamo Ka Gadoodsan Mushaar La’aan Oo Isku Geedaamay Dagmada Afgooye

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya ay la wareegeen dhinaca amniga iyo dhaq dhaqaaq degmadaasi.

Waxaana la sheegay in uu hakad ku yimid gaadiidkii isaga kala gooshayay gudaha magaalada Afgooye ee gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamadaasi Dhinaca kale  Afgooye ayaa beeniyay in Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay la wareegeen magaaladaasi.

Taliyaha saldhigga degmadaasi C/qaadir Cismaan Mursal oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamadu aysan la wareegin maamulka degmada, balse uu jiro gadood ay sameeyeen.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS