Wararkii Ugu Dambeeyey Xiisad Siyaasadeed Oo Caawa Weli Ka Taagan Magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weli xiisad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi.

Xiisadan ayaa timid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay xabsiga dhigeen Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan “Taajir”, kaas oo maalin ka hor xasaanada uu kala laabtay guddoonka Baarlamaanka maamulkaasi.

Waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Maleeshiyaad ah ay iska hor fadhiyaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbalada Hoose.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco magaaladaasi.

Dhinaca kale waxa kulamo lagu xalinayo xiisadaasi m/ Kismaayo ka wada Siyaasiyiin xildhibaano ka tirsan Maamulka Jubbaland, si xal looga gaaro arrimahaasi.

Tan iyo markii ay soo shaac baxday xiisadan ayaaa waxaaCiidamo ka tirsa kuwa Jubbaland la soo dhoobay qeybo ka mid ah magaaladaasi, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS