(War Xasaasi ah);-Taliyaha Cusub Ee AMISOM Oo Ka Hadlay Dagaalka Kooxda Al Shabaab Iyo Go,aan

Taliyaha Cusub ee AMISOM Beesigye Owoyesigire ayaa sheegay in uu xoojin doono dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Mr Beesigye Taliyaha cusub ee AMISOM ayaa wacad ku maray in Al Shabaab ay kala wareegi doonaan deegaanada iyo degmooyinka ay weli ku gacanta ku hayaan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in juhdi iyo dadaal ay ku bixin doonaan, sidii Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed ay AMISOM ugala Wareegi Lahaayeen ammanka dalka.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in uu khibrad 39-Sano ah uu u leeyahay arrimaha militeriga, islamarkaana uu wax weyn ka qaban doono ammaanka Soomaaliya.

Shalay ayey ahayd markii munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Taliyihii hore ee AMISOM General Osman Nor Subagle iyo Taliyaha cusub ee AMISOM lagu qabtay xarunta Xalane ee magaaladda Muqdihso.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS