Puntland Oo Ka Hadashay Falkii Lagu Dhaawacay Wasiiru Dowlaha Dekedaha Puntland

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Dhexe Axmed Jaran oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay falkii lagu dhaawacay Wasiiru dowlaha Dekedaha ee Puntland Axmed Saciid Cabdi oo shalay lagu dhaawacay magaalada boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulkaasi.

Waxaana uu sheegay in falkaasi uusan ahayn mid kas ah, islamarkaana Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland Rasaas ay Waddo ku furanayeen uu dhawaac ka soo gaaray Wasiirkaasi.

Axmed Jaran Taliye ku xigeenka Booliska ee gobolka Bari ayaa hoosta ka xariiqay in wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, waxaana uu ka gaabsaday, haddii ay jiraan in Askar loo soo qabtay falkaasi.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS