Faahfaahino Dheeraad ah Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka M/ Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim iyo Jaamacadda Shabelle ee duleedka Koonfureed ee M/ Muqdisho.

Waxaana la sheegay in qaraxa uu haleelay Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa 3 ruux, sidoo kalena uu ku dhaawacmay Qof kale.

Warar hoose oo ay heleyso Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegaya in Gaariga qaraxu haleelay ay lahayd shirkad Ganacsi, islamarkaana halkaasi ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah shaqaalihii la socday Gaarigaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda cidda u ahaa bartilmaameedka qaraxaasi, balse inta badan waxaa Waddadaasi ka dhaca qaraxyo lala eegto Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay ku socdaalayaan halkaasi.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS