Xog Rasmi ah):-Dagaalka Somaliland ku Qabsatay Deegaanka Tukaraq Ee Puntland & Kaalintii Imaaraadka…

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay imaaratka carabta ayaa u balan qaaday Somaliland inuu noqon doono wadanka ugu horeeya ee aqoonsi siiya,

Waxaa la aaminsan yahay balan qaadka Somaliland ka heshay imaaratka inuu sabab u yahay weerarka ay ku soo qaadaan ciidamada Somaliland deegaano nabad ah oo ka tirsan Puntland si ay u tagaan xuduudaha ay sheegato Somaliland.

Waxa ay u egtahay, qorshihii ahaa qaybi oo xukun ee imaaratku ka waday gobolada koonfurta inuu usoo wareejiyay dhinaca gobolada waqooyi iyo bari, isagoo raba inuu colaad ka dhex abuuro dadka soomaaliyeed.

maaratka & Somaliland, waxyaabaha kale oo ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in masuuliyada dagaalka lagu eedeeyo oo dusha laga saaro dowlada soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxana heshiiskaas cadeyn u ah hadalkii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo durba bilaabay inuu Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyo colaada ka taagan deegaanka.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




AD