DEG DEG:-Cali Khaliif oo Gaarey Dagmada Buuhoodle & Qorshaha Dhabta ah uu Halkaasi…

Wararka aan haatan ka helayo magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in Hor jooge Cali Khaliif Galaydh oo maalintii shalay ahayd gaadhay deegaanka Widh Widh ee gobolka Cayn uu goor dhoweyd si dhuumasho ah ku galay gudaha magaalada Buuhoodle.

Cali Khaliif oo ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyey magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa waxa uu kulamo kala duwan lasoo qaatay madaxda maamulka Somaliland oo uu ugu horeeyey Muuse Biixi Cabdi hogaamiyaha Somaliland kaas oo qandaraas dagaal ku siiyey Cali Khaliif deegaanada Dhulhabante iyo caasimada Puntland ee Garoowe.

Dagaalka Tukaraq ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay isla markaasna Malayshiyaadkiisu ay ku sugan yihiin deegaankaasi si ay uga qayb qaataan dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland, waxaana xusid mudan in Horgal Cali Khaliif xiligani hogaamiyaha Somaliland .

Malayshiyaad gaadhaya ilaa 700 oo Askari kuwaas oo xiisado colaadeed ka abuuri doona magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn oo uu qorshaynayo in gacanta maamulka Somaliland ay gasho iyo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo uu doonayo in duleedkeeda uu keeno ciidamada maamulka Somaliland.

Siyaasigan da’da ah isla markaasna jaah wareersan ayaa lagu xasuustaa sida uu u manjara habaabiyey talada Beesha Dhulbahante kadib markii bilowgii sanadkii 2012 ay degmada Taleex kaga dhawaaqeen maamulka Khaatumo kaas oo curyaamiyey Mr Galaydh.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




AD