Wararkii Ugu Dambeeyey Caawa Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho..

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho kaasi la sheegay in ay soo Qaadeen Kooxda Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Kooxda Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada milateriga Dowladda ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Waxaana la sheegay in dagaalku uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la ogeyn inta uu la’egyahay waxa ayna arintaasi Cabsi ku beertay dadka agdhowaa Goobta.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in ay dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS, kuna gubeen labo gaari oo nuuca dagaalka ah, sidoo kalena ay ku qabsadeen gaari Cabdi Bile ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan dagaalkaasi Balse xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana goobta uu dagaalku ka dhacay ku sugan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




AD