Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Gaalkacyo & Shacabka Gaalkacyo oo Wada Soo Dhaweyn Balaaran oo Ku…

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ku sii jeeda Gaalkacyo, wuxuuna duulimaad diyaaradeed kaga  duulayaa Boosaaso oo aad uga durugsan Gaalkacyo, isagoo ay wehliyaan xubno badan oo katirsan golayaasha DF.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ka hadlayey magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay farxad gooni u tahay tagidiisa gobalada Puntland, wuxuuna kusifeeyey go`aanka Shacabka Gaalkacyo mid wanaagsan.

Kumanaan shacabka ah ayaa banaanka u soo baxay si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna taagan yihiin jidadka muhiimka ah ee magaalada iyo goobaha ugu badan ee magaalada.

Madaxweynuhu wuxuu maanta joogayaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, isagoo la kulmi doona waxgaradka iyo Isimada dhaqanka oo ay ka wada hadli doonaan dagaalada soo laab-laabta ee marar badan dhaca.

Sidaas oo kale wuxuu Qado sharaf ku leeyahay mid kamid ah Beeraha duleedka magaalada ah, waxaana uu ka jeedin doona khudbad gaar ah,sidda ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gaalkacyo.

Shirweyne looga hadlayo Nabadda iyo is dhexgalka Shacabka Gaalkacyo ayaa ka dhici doona magaaladaas, kaas oo ay wada sugayaan SHacabka, waxaana dawladdu ay xooga saaraysaa sidii gabi ahaanba loo baajin lahaa dagaalada soo laab-laabta ee gobalka Mudug.

 


Xafiiska Shabakada Allpuntland24.com
Garoowe Somalia
Allpuntland24com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




AD